804 Views

Puntland oo xabsiga dhigtay Ganacsato diiday isticmaalka Shillin Soomaaliga

Puntland oo xabsiga dhigtay Ganacsato diiday isticmaalka Shillin Soomaaliga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 07, 2021—Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay soo qab qabteen darawaliin bajaaj iyo ganacsato kahor yimid qaadashada Lacagta shilin Soomaaliga kuwaas oo uu tilmaamay in ay jabiyeen awaamiirtii madaxda puntland ee isticmaalida shilin Soomaaliga.

Waxa uu sheegay in darawaliintaan iyo ganacsatadaba ay usoo qabteen in ay sharciga marsiiyaan madaama ay jabiyeen awaamiirta madaxda ugu sareysa maamulkaasi taas oo dhalin karta sicir barar horleh .

Waxa uu intaa kudaray in darawaliintaan ay dadka shacabka ah ee raacaya Bajaajta ay waydiinayeen Lacagta doolarka ah ayna ka diideen lacagta Shillin Soomaaliga, taas oo keentay inay xiraan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay kulan laqaateen guddi ay sameeysteen bajaajleyda ayna isku afgarteen in ay isticmaalaan shilin Soomaaliga oo aan shacabka doolar lawaydiin .

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post