1101 Views

Taliye ku xigeenkii booliska gobolka Banaadir oo u Geeriyoday dhaawacii Qaraxii saldhiga Waaberi

Taliye ku xigeenkii booliska gobolka Banaadir oo u Geeriyoday  dhaawacii Qaraxii saldhiga Waaberi
____________________________________________________________________________

May 15 2021

 Waxaa caawa magalada Muqdisho ku geeriyooday   Allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/Sare Axmad Cabdi Wehliye oo dhaawaciisa yaalay Isbitaalka Digfeer ugu kadib qaraxii 9-kii bishan ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas oo ahaa mid aad u culus uuna fuliyey qof is-miidaamiyey waxaa horay ugu dhintay dad ay ku jireen laba sarkaal, oo kala ahaa Taliyihii saldhigga la qarxiyey ee Waaberi Gaashaanle Axmed Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qeybta booliska gobolka ee Waliyow Cadde G/Dhexe Cabdibaasid.

Sidoo kale Sarkaalka caawa geeriyooday ayaa noqonaya kii 3-aad ee ugu darajada sareeyay saraakiisha lagu dilay qaraxaas, waxaana geerida G/Sare Axmad Cabdi Wehliye warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post