633 Views

Ruushka lacagtooda warbaahintooda iyo adeeg internetka ayey ka hirgalinayaan qaybaha ay ka heystaan dalka Ukraine

Ruushka lacagtooda  warbaahintooda iyo adeeg internetka ayey ka hirgalinayaan qaybaha ay ka heystaan dalka Ukraine
____________________________________________________________________________

 

 Arbaco: May 11, 2022

Ruushka lacagtooda , warbaahintooda iyo adeeg internetka ayey ka hirgalinayaan qaybaha ay ka heystaan dalka Ukraine gaar ahaan magaalada ku taalla dhanka Koofurta ee Khrrson.

Ukraine ayaa sheegtay Ruushka waxaa laga yaabaa in ay qorsheynayaan in ay qabtaan afti ka dhacda magaaladaas. Si ay u arkaan haddii dadka halkaa deggan ay doonayaan in ay halkaa ka dhisaandowlad goonni u go’day oo taageersan Ruushka oo ay ugu magacdaraan ‘Jamhuriyadda Dadka ‘’ laakiin codeyntu waxay noqon doontaa mid aan sharci aheyn oo gacan ku rimisah.

Maxay tahay sababta ay Ruushk xoogga u saarayaan Kherson ?

Ciidamada Ruushku waxay qabsaden Kherson horraantii Bishii Maarso – hal toddobaad ka dib markii uu bilowday dagaalka Ukraine .

Waxay aheyd magaaladii ugu weyneyd ee ku dhacda gacanta Ruushka .

Ka hor faragelinta Ruushka waxaa degenaa 290, 000 qof laakiin marka la eego duqii hore ee magaaladaas ,40% dadkii degegnaa halkaa wey ka carareen .

Haddii Ruushku rabaan in ay qabsadaan koofurta Ukraine ayna ka sameystaan meel ay uga gudbi karaan Crimea , Kherson oo ku taalla afka webiga Dneiper , kuna taalla xeebta badda madow , waxay noqon doontaa furaha , sida uu sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Ingiriiska .

Maxay yihiin isbedelada ay Ruushku ka sameeyeen magaalada Kherson ?

Saraakiisha Militariga Ruushka ayaa jagada ka qaaday maaayorkii la soo doortay ee magaalada Ihor Kolykhalov oo ay Ruushku sheegeen in uusan iyaga la shaqeyneyn .

isaga waxaa lagu bedelay maamul taageersan Ruushka sidoo kalena waxaa maamulo laga sameeyey deganada ku wareegsan Kherson .

Waxaa la jooiyey in dadku daawan karaan kanaalada Telifishinada Ukraine waxaana lagu bedelay telifishinada Ruushka .

Waxaa dadka deggan Kherson loo soo jeediyey in ay dhageystaan idacaadaha Ruushka taageersan kana dhageystaan wararka .

Dadka Ukraine waxay leeyihiin ujeedada Ruushka waxay tahay in dacaayadaha been abuurka ah ay noqdaan isha aan lala tartamin ee xogaha wararka .

Maamulka cusub ee Ruushku wato waxay sidoo kale Meesha ka sarayaan lacagta Ukraine waxayna ku bedelayaan Ruubalka Ruushka

.

Waxaa bilowday afar bilood oo kala guur ah oo ka bilowday 1dii bshan May iyadoo la mamnuucay in lacagaha Ukraine la soo galiyo bankiyada

Ruushku ma doonayaan in afti qabtaan ?.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa uga digay dadka halkaas degan in ujeedada Ruushku ay tahay in ay qabtaan waxa ay ugu yeereen afti ka dhacda gobolka Kherson oo ka goosanysa Ukraine oo noqoneysa Jamhuuriyadda Dadka waxa logu yeeray .

Wuxuu kula taliyey dadka in aanay siinin sarakissha Ruushka wax xog ah oo shaqsiyeed , sida lambarada baasaboorada , kuwaas oo uu yiri waxaa loo isticmaali karaa codeyn aan jirin

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ingiriiska ayaa sheegtay in aftida loo adeegsan karo in lagu jideysto qabsashada Ruushka ee Ukraine .

Sidee Ruushku u bedeleen nolosha gobolada ka go’ay Ukraine ?

Sida Ruushku ula dhaqmayaan Kherson waxay la mid tahay qaabka ay ula dhaqmeen Crimeaoo ay qabsadeen 2014 , ka dib markii ay ka sameeyeen afti ay Qaramada Midooobay sheegtay in aanay waxba ka jirin .

Waxay isku xirtay Crimea iyo qeybaha koofureed ee Ruushka waxayna soo galisay hubka , waxay keentay lacagta Ruushka haatanna warbaahinta Ruushka taageersan ayaa ku badan goboladaas.

Laakiin xaaladda ka jirta Kherson xataa wey ka dhowdahay tan labada gobol ee bariga Ukraine ee ay qabsadeen ciidamada Ruushku oo soo hawilay wax yar ka hor markii Crimea la qabsaday.

Hogaamiuyeyaasha dabadhilifka ah ee bariga waxay sameeyeen waxa loogu yeeray Jamhuuriyadaha Dadkaee ka jira Luhansk iyo Donstsk halka lacagta Rushka ee rubelka la isticmaalodadkana la siiyey baasaboorro Ruush ah waxayna Ruushku bixyaan mushaarooyinka , carruurtana dugsiyada waxaa lagu baraa man-hajka Ruushkawaxayna Ukraine ku eedeynaysaa Ruushka in uu Ukrainre Ruush ka dhigayo

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post