606 Views

App cusub oo ku sheegayo in qofka facebook-ga saaxibka kula ah u yahay jaajuus

App cusub oo ku sheegayo in qofka facebook-ga saaxibka kula ah u yahay jaajuus
____________________________________________________________________________


Sabti: May 21, 2022

Ha’yada Sirdoonka UK ee MI5 ayaa sheegtay in ay aragtay ilaa 10,000 oo qof u dhashay UK oo ay bar tilmaameedsadeen basaasinta ajnabiga ah kuwaasi oo adeegsanaya ciwaano been abuur ah oo ay kadhex sameysteen goobaha sida LinkedIn iyo Facebook.

Basaasiintan ayaa baraha bulshadda ka ogaarsado dadka jooga goobaha muhiimka ee dowlada ka shaqeeyo iyagoo u muujiyo soo jiidasho balaaran, kadibna ka codsado in ay u soo gudbiyaan macluumaadka sirta ah.

App-ka cusub ee ay soo saartay dowladda UK oo lagu magacaabo The Think Before You Link APP ayaa dadka ka caawinayaa in ay ogaadaan basaasinta ajanabiga ah ee ku dhuumaaleysanayo baraha bulshada oo isticmaalaya ciwaano been abuur ah.

App-ka ayaa loogu talagalay in ay isticmaalaan saraakiisha dowladda iyo kuwa ka shaqeeyo goobaha xasaasiga ah, laakiin qof kastaa wuxuu awooda in uu soo dagsado si bilaash.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post