1071 Views

Wafdi uu hogaaminayo Ugaas xasan Ugaas Maxamed oo ah Ugaaska Beesha Ceyr oo si diiran loogu soo dhaweyay Magaalada Baladweyne

Wafdi uu hogaaminayo  Ugaas xasan Ugaas Maxamed oo ah  Ugaaska Beesha Ceyr oo si diiran loogu soo dhaweyay Magaalada Baladweyne
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

Wafdi oo hogaaminayey Ugaas xasan Ugaas Maxamed Ugaas Noor oo ah Ugaaska Beesha Ceeyr ayaa Goordhow soo gaaray Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar iyo Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo boqolaal dadweynaha ah oo garoonka ku sugan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle yuusuf axmed hagar iyo qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka ayaa kusoo dhaweeyey Wafdigan Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugaas xasan Ugaas Maxamed ayaa ka mahad celiyey soo dhaweeynta loo sameeyey isagoona sheegay in ujeedkooda uu yahay ka qeeyb galka aaska Allaha unaxariistee Ugaas xasan Ugaas Khaliif oo dhawaan ku geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale Ugaas Xasan ayaa sheegay in inta ay beesha Xawaadle Ugaas ka Caleemasaaraneeyso uu yahay kusimaha Ugaaska sida uu sheegay taasi oo ah dhaqan udhaxeeyey Labada Beelood.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post