1548 Views

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 6, 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi halkaas oo maanta ay ku kulmeen Madaxwaynaha kenya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya,iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment