393 Views

Booliska Kenya oo ku raad-joogaa xildhibaan lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin kaaliye u ahaa musharrax kale

Booliska Kenya oo  ku raad-joogaa xildhibaan lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin kaaliye u ahaa musharrax kale
____________________________________________________________________________

Arbaco:AUGUST 10, 2022

Booliska Kenya ayaa ku raad-joogaa xildhibaan lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin kaaliye u ahaa musharrax kale oo uu tartan ka dhexeeyay.

Goobjoogayaal waxay sheegeen in xildhibaanka deegaanka Kimilili, Didmus Barasa uu madaxa ka toogtay ninka kadib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.

Waxay booliska u qabteen xildhibaanka in muddo 24 saacadood gudahood uu isku soo dhiibo.

Xildhibaan Didmus Barasa kuma cusbo dhacdo noocan ah sanadkii hore ayaa la xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad ah in uu weeraray fannaan kamid ah dadka deegaanka.

Didmus Barasa wuxuu horey uga tirsanaa militeriga Kenya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post