837 Views

Wasiirka Wasaaradda haweenka Marwo Xaniifa oo Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda haweenka Marwo Xaniifa oo   Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka
____________________________________________________________________________


khamiis: December 2, 2021

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa  Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golaha Shacabka.

Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, ururada haweenka, xubno ka socday Wasaaradaha Haweenka ee Dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka hadlay madasha ayaa dhankooda shaaciyay inay dadaal xoogan ku bixiyeen xaqiijinta kuraasta haweenka ee Golaha Aqalka Sare, haatanna ay ka shaqeyn doonaan qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Xaniifa ayaa xustay in ay kulamo kala duwan la qaateen Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kuwaasi oo ay sheegtay inay isla meel dhigeen xaqiijinta qoondada Haweenka ee Baarlamanka, isla markaana kan Wasaarad ahaan aysan ka seexan doonin ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post