1686 Views

Ruqiyo C/qaadir “Beesha Silic maanta waxay u tahay maalin madow”

Ruqiyo C/qaadir “Beesha Silic maanta waxay u tahay maalin madow”
____________________________________________________________________________

Koox hubeysan ayaa maanta dil toogasho ah k u dilay ugaaskii beesha Silcis Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo nabadoonka guud ee beeshaasi nabadoon Maxamed Cumar Cawaaye, waxaan falkaasi wuxuushnimada ah ka dhiidhiyey waxgarad kala duwan oo cambaareeyay kooxihii ka dambeeyey.

Ruqiyo Cabduqaadir oo ka mid ah waxgaradka beesha Silic ayaa ka mid ah dadkii ugu horreeyey ee falkaasi cambaareeyey, waxaanna ay ka dalbatay dowladda Soomaaliya in ay soo xirto kuwii falalkaasi gaystay, cadaaladdana la hor keeno.

“Beesha Silic maanta waxay u tahay maalin madow, waxaan ka tacsiyeyneynaa geeridii ku timid ugaaska beesha Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo nabadoonka guud ee beesha nabadoon Maxamed Cumar Cawaaye” ayeey tiri Ruqiyo, waxaanna ay baaq ay u dirtay qaybaha kala duwan ee beeshaasi ay ka dalbatay in xaaladda la dejiyo, wixii dhacayna loo xilsaaro go’aanno ka soo saara.

Ruqiyo waxay sheegtay in iyada oo ku hadleysa magaca reer Axmed Faarax iyo Dahir Cali Jiis.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment