1038 Views

Gabar Soomaali ah oo xal u heshay cudur ku dhaca wadnaha oo dawadiisa keliya ay ahaan jirtay qalliin aad u halis badan.

Gabar Soomaali ah oo xal u heshay cudur ku dhaca wadnaha oo dawadiisa keliya ay ahaan jirtay qalliin aad u halis badan.
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

 Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Maryam Nuur ayaa xal u heshay cudur ku dhaca wadnaha oo dawadiisa keliya ay ahaan jirtay qalliin aad u halis badan.

Sheekada Maryam ee cajiibka ah waxaa lagu shaaciyay bogga internet-ka ee Jaamacadda Aarhus oo ku taalla waddanka Denmark.

Qalab ay soo hindistay gabadhan oo u sameysan sida faraanti yar haddii lagu wareejiyo halbowlaha wadnaha soo geliya dhiigga waxa uu daawo u noqon karaa bukaannada qaba xanuunka dhiigga ka soo dusa xididdada wadnaha.

Cilmibaareyaal ayaa sheegay in saameynta qalabkan lagu tijaabiyay xayawaanno haddana la rajeynayo in tiknoolojiyaddan loo adeegsado bani’aadanka.

Xaaladda ku saabsan in xididdada wadnaha ay dhiig soo dusay sii daayaan – oo afka qalaad ee caafimaadka loo yaqaanno “aortic insufficiency” – waa marka qeybta u dhaxeysa kalabarka wadnaha ee dhanka bidix iyo halbowlaha weyn aysan sidii loo baahnaa isugu dhaweyn.

Cudurkan ayaa sababa marxalado caafimaad darro oo wadnaha gudihiisa ah, kuwaasoo heerar kala duwan leh, sida lagu sheegay maqaalka Jaamacadda.

Markii xididdadaas ay dhiig dii daayaan, waxa uu dhiiggaas qaarkiis dib ugu laabtaa wadnaha, taasoo sababeysa in shaqada wadnaha ay aad u adkaato.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post