1062 Views

Akhriso:-Halka ay marayaan qorshaha Ra’iisul Wasaare Kheyre u joogo Dhuusamareeb

Akhriso:-Halka ay marayaan qorshaha Ra’iisul Wasaare Kheyre u joogo Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa ka mahadcelisay  dadaallada dib u heshiisiineed ee Ra’iisul wasaaraha XFS uu ka wado deegaannada maamulka Galmudug.

 

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha XFS mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo kaashanaayo bulshada reer Galmudug uu waqti ku baxshay sidii loo heli lahaa Galmudug mid ah, isagoo sheegay in muddo bil ku dhaw ay ku suganyihiin deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.

 

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in hadda ay muuqato Ifilaallo nabadeed oo loogu diyaar garoobayo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay,waxa uuna tilmaamay in rajo wanaagsan ay ka muuqato qaabka ay bulshadu diyaar ugu tahay dib u heshiisiin iyo iscafin si shacabku ay u helaan maamul ka shaqeeya danaha reer Galmudug.

 

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa dhawaan waxaa la filaya ain lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug,shirkaas oo uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre walow ay jiraan Beelaha qaar oo sheegay inaysan ka qeyb galeen.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in uu Maanta Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyo wufuud Heer Caalami ah iyo Ururo oo tegaya Magaaladaas

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment