507 Views

Haween guulo ka gaarey ka shaqeynta nabadda ee magaalada Wajeer

Haween guulo ka gaarey ka shaqeynta nabadda ee magaalada Wajeer
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 7, 2022

Degmada Wajeer ee gobolka woqooyi bari ee Kenya, ayaa waxaa ka jira urur haween oo muddo dheer ka shaqaynayey nabadeynta.

Ururkaas ayaa ku caan baxay magac dunida ku baahay oo ah Wajeer Daughters of Peace, oo noqonaya Hablaha Wajeer ee nabadda ka shaqeeya ama ku hagoogta.

Waxay abaal marino heer caalami ah ku muteysteen deminta colaado beeleed, oo sagaashameeyadii halkaa ka dhacay, oo ay ku guulaysteen inay kama dambaystii nabad kusoo dabbaalaan deegaannadaas.

Xaliimo Cabdillaahi Axmed, oo ah isu duwaha Wajeer women for peace, ayaa wariye Xasan Geelle, u sheegtay inay ka kooban yihiin haween qabiilo kala duwan kasoo kala jeeda.

Xaliimo ayaa carabka ku dhufatay in dagaalka ay kahortag ku sameeyaan, halka marka uu dhaco ay isticmaalaan haweenka kala duwan, si xal looggu helo.

Haweenka inta badan qeyb kama ahan dagaalada ka dhex aloosma qabaa’ilada, iyadoo dhibaatada ugu bandanna ay ku dhacdo marka dagaal dhaco, haweenka, caruurta iyo waayeelka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post