810 Views

Wasiirada Caafimaadka Dr Fawziya oo booqatay isbitalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir

Wasiirada Caafimaadka Dr Fawziya oo  booqatay isbitalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa booqatay isbitalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir si ay ugu kuur gasho xaaladaha bukaanadii ay shalay wax ka soo gaareen qaraxii ka dhacay aaga isgoyska Banaadir. kaas oo dad ay ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen. isbitaalka Banaadir ayaana u fidiyay qaar ka mid ah bukaanada xaalad Caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhanka kale kormartay qaybo ka mid ah isbitaalka oo uu soo gaaray bur bur xoogan oo qaraxu sababay.

Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa ka tacsiyaysay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxa, waxaana ay caafimaad deg deg ah u rajeysay bukaandii ay ka soo gaartay waxyeelada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post