270 Views

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka oo dhaleeceeyey go’aankii ROOBOW soona jeediyay in xilka laga qaado

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka  oo dhaleeceeyey go’aankii ROOBOW soona jeediyay in xilka laga qaado
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 9, 2022

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa sharci darro ku tilmaamay amarro kasoo baxay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Mukhtaar Roobow Cali.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee uu hoggaamiyo Mukhtaar Roobow ayaa 6-dii bishan maamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, taasi bedelkeedana loogu yeero magaca Khawaarij.

Qoraal uu soo saaray wasiir Cabdisaciid ayuu ku sheegay in dhaqanka caburinta, magac bixinta aan saxda ahayn, iyo xornima la’aanta ay yihiin habdhaqan lagu yaqaan Al-Shabaab.

“Wasaarada Arrimaha Diinta waxaa wasiir ka ah hogaamiye ku talin jirey nidaamka Al-Shabaab. Talada saxda ah waa in asaga la beddalaa oo dawladnimada la baro iyo ku shaqaynta sharciga,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda oo qoraalkiisa ku weerarray Wasiir Roobow.

Wuxuu qoraalkii ku caddeeyay in sareynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ee muwaadinka aan laga hor istaagi karin. 

“Go’aanada Wasaaradda Diinta waa waxba kama jiraan maadaama ay sharci daro yihiin. Magaca Kooxda Mukhtar Robow ka tirsanaan jirey waa Al-Shabaab ee la qabso,” ayuu yiri yiri.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post