927 Views

Taabit Cabdi oo ku baaqay in aan shuruud lagu xirin wada-hadallada doorashada

Taabit Cabdi oo ku baaqay in aan shuruud lagu xirin wada-hadallada doorashada
____________________________________________________________________________

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir hadana ah musharax madaxwayne Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble lagu garab istaago hawsho culus ee hayo iyada oo aanan wax shuruud hor leh lagu xirin.

“Waxaan u mahadcelinayaa qof kasta oo kaalin nabaddeed ka geystay xasilloonida dalka.Waa inaan fursaddan la lumin, wixii dhacayna inooga filnaato inaan nahay ummad aanan sina isu hureynin marxalad kasta.

Waxaan ku baaqayaa in RW Rooble garab lagu siiyo hawsha culus ee hortaal, iyada oo aanan wax shuruud hor leh lagu xirin.RW Rooble, isagana waa inuu qaataa door hoggaamineed oo ka nasahan eex iyo eed intaba. Ayuu yidhi Taabid Cabdi Maxamed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post