831 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Ruushka & Afrika

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Ruushka & Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa magaalada caanka ku ah dalxiiska ee Sochi ee dalka ruushka in uu ka furmo Shirweynaha Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika,waxaana Soomaaliya uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

 

 

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

 

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment