2835 Views

Kulankii Golaha shacabka ee maanta oo baaqday

Kulankii Golaha shacabka ee maanta oo baaqday
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  August 2, 2017—Kulankii maanta ay lahaayeen Golaha shacabka ayaa baaqday kaddib markii ay soo xaadiri waayeen xubno ku filan in uu kulanka ku furmo.

Ajendaha kulanka ayaa maanta ahaa waxa laga yeelayOW asiirka Dastuurka Soomaaliya C/Raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ay rabeen in ay ka doodaan.

Xildhibaannada ayaa ka doodi lahaa qaabka ay go’aan uga gaarayaan xilka wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu faraha la galay arrimaha xeer dejinta.

Fahdiga Baarlamaanka ayaa maanta waxaa soo xaadiray ku dhawaad 80 Xildhibaan waxaana uu Kooramka ku furmi karaa ugu yaraan 139 Xildhibaan.

Wasiir C/Raxmaan Xoosh Jibriil ayaa isna ka yimid maanta Magaalada Nairobi,waxaana uu qorshihiisu ahaa in uu ka hadlo kulanka isaga ka dhanka ah ee maanta ka dhici lahaa  Golaha shacabka kaas oo Kooram la’aan u baaqday.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment