3759 Views

21-Novembar Maalinta Macalinka Somaliyeed Iyo Maraxalada Macalimiinta Dalka !!

21-Novembar Maalinta Macalinka Somaliyeed Iyo Maraxalada Macalimiinta Dalka !!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 21, 2018 –21 Nofembar waa  maalinta  loo asteeyay  Macalinka Sommaliyeed, waxaa habbon in aan dul istaagno Macalin iyo Qiimaha uu ugu fadhiyo Bulsho.

Waa kuma Macalin?

Macalin waa:

Midka gaarsiiya bulshada himiladeeda.
Ka badbaadiya bulshada mugdiga Jahliga.
Gaarsiiya bulshada baraaraha Cilmiga iyo Aqoonta.
Ilaaliya Hiddaha & dhaqanka bulshada.
Haddaba Macalinka waa Shumac holcaya dadkana u ifinaya noloshooda

Howlaha Macalinka

Caruurtu waxa ay kusoo barbaaraan Bulshada Guriga,Bulshada Xaafadda,kadibna Caruurta waxa ay tagaan dugsiyada waxbarashada  oo ah Bulshada sedexaad oo ay ku biiraan caruurtu,  waxa ay caruurta  kala kulmaan Iskuulka Bulsho kabalaaran Tii Griga & Xaafada .

Bulshada Iskuulka  waxay kaga duwantahay  labadaas hore in ay ka koobantahay 4 qeyb :

Maamul
Shaqaale
Arday
Macalimiin
Afarataas ayaa saameynta tooska ah ku leh Ardayda waana Macalinka, sababtuna waa xirirka tooska ah ee uu la leeyahay macalinku ardayga,  xiriirkaas ayaa ah xiriirka  waxbasharada, taasna waxa ay keeneysaa in ardayga uu mar walba isku dayo in uu kudaydo Macalinka maadaama uu u arko in uu yahay Qof ka aqoon badan oo ka waayo aragsan.

Haddaba Macalinka waa kaas wuxa uu  sawir ka sii bixiyaa nooca ay noqonayaan Jiilash soo koraya ee  Bulshada .

Heerarka & Duruufaha  uu soo Maray Macalinka

Marka aan fiirino Macalinka Somaaliyeed waxaa noo muuqanaya in uu soo maray heerar & duruuf kaladuwan badankeeduna waxa ay aheyd mid aad ugu adag Macalinka Soomaliyeed  xagga shaqada & xagga xuquuqda.

Xuquuqda macalinka waxa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah:

Mid ku saabsan horumarinta aqoontiisa
Mid ku saabsan Noloshiisa.
Marka aan gadaal u raacno Sooyaalka taarikhda waxbarashada Soomaaliya waxa aan xilligii ugu dhowaa uguna habboonaa ee Macalinka soomaaliyeed uu helo xuquuqihiisa waxa uu ahaa tobankii sano ee ugu horeysay  Rajiimkii Kacaankii 21 Oktoobar ,  waxaana muujinaya in la sameeyay xilligaasi sanadkii1974 maalin lagu maamuusaayo Macalinka Soomaaliyeed oo ah   21 Nofembar.

Marka aan qiimeeyo dhinaca ay xuquuqda macalinku ugu  Liidatay waa intii kadambeesay 1991 kii oo uu macalinku noqday mid dayacan  ama xooggiisa laga faa’iideysto isaga oo aan heleyn inta ugu yar ee xuquuqdiisa xag nolol & xag kobcinta aqoontiisa oo ah mid aad muhiim u ah.

Baahaida Macalin

Hadda waxyaabaha ugu waaweyn ee u baahanyahay macalin In laga haqabtiro waxaa ka mid ah:

Dhinaca Shaqadiisa

In uu helo tababaro kor loogu qaadayo aqoontiisa iyo
In lagu dhiiri giliyo Cilmi Baarista kobcineyso aqoontiisa.
In loo diyaaariyo jawi degan uu wax ku bari karo ardayda(ku gudan karo waajibkiisa shaqo).

Dhinaca  Baahida macalinka

In Macalinka helo Qadarin & Ixtiraam
In uu helo mushaaar ku filan & gunno
In uu helo daryeel caafimaad , in hadii howlgab uu noqdo ay sameyso dowladda Soomaaliyeed xeer siinaya lacagta howlgabka & haddii uu geeriyoodana u wareejinaya caruurtiisa .
In dowladdu soo saarto xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda macalinka.

Dhinaca  Niyadda

In la bedelo aragtida bulshada ka heysato Macalinka.
In la ilaaliyo karaamada& sharafta Macalinka lana siiyo kalsooni iyo in maamulka Iskuulka & waalidiinta ay garab ku siiyaan Macalinka gudashada shaqadiisa .
Gunaanadkii Qormadaan kooban

Baruhu waa in tixgeliyaa waxyaabahan:

In uu ogaado in shaqadiisa ugu weyn ay tahay in uu beddelo habdhaqanka ardayga
In uu ogaado muhiimadda uu xilligan leeyahay o ah in uu kahortago dhaqamada la soo minguuriyo ee kayimaado dhaqamada kale

WQ: Dr: Cabbdullaahi Sh. Abuukar

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment