1386 Views

Xukuumadda Soomaaliya oo u jawaabtay Madaxweynaha Puntland.

Xukuumadda Soomaaliya oo u jawaabtay Madaxweynaha Puntland.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22da Maarso, 2021Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in in Afarta dhinac ciidamo laga dhigay.

Wasirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xul-gaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in aan waxba kajirin warka kasoo baxay madaxweynaha Puntland ee ah in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo dul-dhigtay halka uu degan yahay.

Wasiirka ayaa sheegay in warka kasoo baxay Deni uu yahay mid dad kale ay gaarsiiyeen, balse uusan aheyn mid uu arkay, dadkaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo fidno ka Shaqeeynaya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi ayaa areysi uu bixiyay waxaa uu ku sheegay in uusan ka warqabin shirka la sheegay in uu ka furmayo Muqdisho, isaga oo sheegay in uusan jirin amni la isku haleyn karo, isla markaana Ciidamo la dul-dhigay wallow dowladda ay beenisay

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post