417 Views

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo qeylo dhaan ka muujiyay isku dhacyadii ugu dambeeyay ee dadka lagu dilay

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo  qeylo dhaan ka muujiyay isku dhacyadii ugu dambeeyay ee dadka lagu dilay
____________________________________________________________________________


Axad: May 8, 2022

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii qeylo dhaan ka muujiyay isku dhacyadii ugu dambeeyay ee dadka lagu dilay ee u dhexeeyay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Ortodokska ee Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay mas’uuliyiinta inay baaraan oo ay cadaaladda horkeenaan dembiilayaasha.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, Michelle Bachelet, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay rabshadihii dabayaaqadii bishii hore ka dhacay waqooyiga Itoobiya, oo la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Iska horimaadka ayaa ka billowday magaalada Gonder ee gobolka Axmaarada 26-kii Abriil, waxaana la sheegay in uu la xiriiro muran dhul, ka hor inta aysan si degdeg ah ugu fidin gobollada kale iyo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayay tiri.

Golaha arrimaha Islaamka ee Axmaarada ayaa sheegay in la weeraray aaska oday Muslim ah, iyagoo goobta ku tilmaamay “xasuuq” ay gaysteen “Masiixiyiin xagjir ah” oo aad u hubaysan.

Qabuuraha uu weerarku ka dhacay ayaa daris la ah masaajid iyo kaniisad, waxaana ka dhashay muran joogto ah oo u dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Ortodokska, oo ah kooxda ugu badan ee Itoobiya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post