8508 Views

AJAKIS oo ka hadlay sidoo loola dhaqmay intuu ku xirnaa magaalada Hargeysa

AJAKIS oo ka hadlay sidoo loola dhaqmay intuu ku xirnaa magaalada Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 21, 2017 – Majaajilistaha caanka ah ee Cabdi Muuriidi Dheere oo ku magac dheer (Ajakis) ayaa Sabtidii maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay lagu xiray magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

DHAGEYSO

Majaajiliste Ajakis ayaa la sheegaya in uu Transit ku ahaa garoonka magaalada Hargeysa, isagoona doonayay in uu uga sii gudbo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ajakis oo markii uu magaalada Muqdisho ku soo laabtay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay, intuu yareed uu ku sugnaa Hargeysa, isagoona xusay in jir dil kala kulmay maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa uu markii horaba amray xarigiisa.

”Markii aan diyaarada ka soo degay jirdil ayaa la ii geystay darbiga ayaa madaxa la iiga dhuftay, maareeyaha garoonka ayaa xarigeyga amray, isaga oo leh sow ma tihin ninkii madaxweynaha aflagaadeynayay, sidaa ayaan xabsiga ku galay” ayuu yiri Majaajaliste Ajakis.

Majaajiliste Ajakis oo si weyn looga yaqaano dalka iyo dibadda ayaa waxa uu caan ku yahay barnaamijka faaliyaha Qaranka ee toddobaadkii hal mar ka baxa telefeshinka caalamiga ah ee Universal TV, kaasi oo dadku u arkaan inuu yahay Barnaamij Madadaalo ah oo si siman madaxda Soomaalida wax uga tabiya.

.

.

.

.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment