2580 Views

Dowladda oo soo bandhigtay ciidamo gaar ah oo loo diyaariyey amniga Muqdisho

Dowladda oo soo bandhigtay ciidamo gaar ah oo loo diyaariyey amniga Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 11, 2018 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa Xalay  kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare kheyre, ayaa inuu uu halkaasi ku sugnaa wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo Boliis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay ugu qayb qaadan lahaayeen adkaynta Caasiamadda Muqdisho iyo guud ahaan Dalka oo dhan.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa Xarunta Booliska waxay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo Ciidanka ammaanka faray in ay Gacan Bir ah  ku qabtaan  nabad gelyada guud ee Gobolka Banaadir  ayna u naxariistaan Dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb qaadanaya sugiidda amniga Caasimadda Dalka, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.

ciidamo-xasilinta-7 ciidamo-xasilinta-6 ciidamo-xasilinta-5 ciidamo-xasilinta-4 ciidamo-xasilinta-3 ciidamo-xasilinta-2 ciidamo-xasilinta-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment