2052 Views

WHO oo ka warbixisay fatahaada ka dhacday Soomaaliya

WHO oo ka warbixisay fatahaada ka dhacday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 11, 2018 – Dad kor u dhaafaya 695,000 qof ayaa ku waxyeeloobay daadad ka dhashay roobab Lixaad leh oo sababay fatahaado ka dhacay dalka Soomaaliya qaybo ka mid ah, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Warbixinta WHO ayaa lagu sheegay in maalmihii dhawaa oo kaliya ay guryahooda ka barakaceen ku dhawaad 215,000 qof, daadad ka dhacay gobollada Bakool, Banaadir, Baay, Hiiraan, Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Shabeellada dhexe.

Dadkan ayay hay’addu sheegtay inay si deg deg ah ugu baahan yihiin Hoy, Teendhooyin, adeeg caafimaad, Cunno, Biyo nadiif ah, Musqulo, Mara Kaneecayaal iyo aalado kale oo ka saacidi kara nadaafadda.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sidoo kale ka digtay goobaha ay fatahaadaha ka dhaceen iyo meelaha Biyo fariisiga leh inay ka dhashaan Cudurro ay ka mid yihiin, Daacuun Caloolaha, Duumada iyo xanuunno kale oo ay sababaan Biyaha wasakhaysan.

WHO oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan 30.1 Ton oo Dawo ah geysay Magaalooyinka Baladweyne, Baydhabo iyo Kismaayo oo ah goobaha ugu daray ee ay qayla dhaantu ka soo yeereyso, waxaana weli soconaya dedaallo gurmad oo dhan walba leh oo ay wadaan hay’adaha sama falka iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment