438 Views

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh
____________________________________________________________________________

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Somaliyeed ee Danab & Gorgor ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka wadaan degaano katirsan bariga gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa howlgalkii ugu dambeeyay waxaa ay Al-Shabaab uga saareen degaanka Baraag Sheekh Camir oo Qiyaastii 25 Km Dhanka Bari kaga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa intii aysan la wareegin degaanka waxay burburiyeen Fariisimo ay Al-Shabaab ka sameysteen, degaanka, halkaas oo muddo sanado ah ay ku sugnaayeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post