765 Views

Haweenay nafteeda halis gashay kaddib markii lagu qalday askariyad dad dishay Kenya

Haweenay nafteeda halis gashay kaddib markii lagu qalday askariyad dad dishay  Kenya
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

Phanice Chemutai Juma oo 20 sano jir ah kana soo jeeda ismaamulka Mt Elgon ee dalka Kenya ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka Kitale Referral Hospital ka dib markii uu ltoogtay nin magaciisa lagu sheegay Ken Muyundo oo ah ganacsade haystay qori sharciyaysan.

Sarkaalkiisha dambi baarista ayaa sheegay in ganacsadaha uu Chemutai ka toogtay caloosha, kaddib markii uu u maleeyay inay tahay haweenay boolis ah oo lagu eedeeyay inay dishay laba nin, kuwaas oo la sheegay in horraantii isbuucan ay toogatay.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Caroline Kangogo, ayaa warbaahinta dalka Kenya qabsatay kaddib markii ay magaalada Nakuru ku dishay askari magaciisa lagu sheegay John Ogweno. Meel 200km u jirta halka ay dhacdada koowaad ka dhacday, ayey ku dishay Peter Njiru oo 32 sano jir ah.

Marxaladaha ku xeeran dilka labada nin ayaa ah kuwo muran badan dhaliyay, ilaa hadda ma jirto cid wax badan ka og sababta loo dilay.

Bayaanka ay soo saareen booliska ee ay ku shaacinayaan baadi- goobka ka dhanka ah haweenaydan ayaa waxay ku tilmaameen inay la mid tahay sheeko ku jirta filimada cabsida leh .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post