600 Views

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda QM

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda QM
____________________________________________________________________________


Isniin: March 14, 2022

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wefti ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminayso.

Wafdiga uu maanta qaabilay Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post