132 Views

Hormuud oo NISA ku eedeysay inay soo weerartay, iyo NISA oo u jawaabtay

Hormuud oo NISA ku eedeysay inay soo weerartay, iyo NISA oo u jawaabtay
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — 

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku eedeysay ciidamada Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA inay Axaddii shalay soo weerareen Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee xaafadda Tareebiyaano ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hormuud ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA ay dalbadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC Plus, balse maamulka Shirkadda ee Xarunta Tareebiyano “ay diideen ayaga oo cuskanaya shuruucda dalka.”

“Maamulka Shirkadda ee Xarunta Treebiyano oo cuskanaya shuruucda Dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005),” ayaa lagu yiri qoraalka Hormuud.

“Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed,” ayey tiri Hormuud.

“Waxayna shirkadda falalkaas sharcidarrada ah uga falcelin doontaa si waafaqsan shuruucda iyo maxkamadaha Dalka ee ku shaqada leh.”

Dhinaca kale, hay’adda NISA ayaa qoraal ay soo saartay uga jawaabtay dhacdadaas.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.”

“Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.”

NISA ayaa ugu dambeyn sheegtay inay soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada shirkadda oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda, sida ay hadalka u dhigtay.

Hoos ka arag labada war-saxaafadeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post