501 Views

Askari Nigerian ah oo ilmo yar ku qaarijiyay dil wadareed uu geystay

Askari Nigerian ah oo ilmo yar ku qaarijiyay dil wadareed uu geystay
____________________________________________________________________________


khamiis: March 24, 2022

 Askari Nigerian ah oo la sheegay in uu daroogeysnaa ayaa dilay ugu yaraan saddex ruux 13 kalana dhaawacay kadib rasaas uu ku furay dad shacab ah.

Arbacadii la soo dhaafay arintaan ka dhacday fagaare wayn oo ku yaala magaalada Mafa ee wuqooyi beri gobolka Borno.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahayd gabar yar oo saddex sano jir ah, halka 13 ka kale oo ay dhawaacday rasaas darandoori ahna lagu dabiibayo isbitaalka.

Askariga ayaa ka mid ahaa ciidamada ku sugan furinta ee la dagaalama koox jihaadiyiin ah oo halkaas ka jirta.

Wararka ayaa sheegaya in iskarii dilka gaystay hubka laga dhigay ayna xabsiga u taxaabeen madaxda ciidanka.

Khuburo dhinaca amaanka ah ayaa sheegay in arintaan oo kale ay dhacdo marka askarta ka qayb galay dagaalada ay la dhibtoodaan mahadho ay ka dhaxleen waqtiga dheer ee ay ku jireen furinta dagaalka.

Ciidamada Nigeria wali kama aysan hadlin dhacdadaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post