723 Views

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyay Tahriibayaal farabadan

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyay Tahriibayaal farabadan
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 29, 2021 —Maraakiibta ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa 539 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay dooni kuwa kalluumeysiga ah oo ku sii jeeday jasiiradda Lampedusa.

Kooxaha badbaadiyaasha  ayaa sheegay in dadkaan ay yihiin tiradii ugu badnayd ee muhaajiriin ah oo hal maalin gudaheed soo galay jasiiraddaasi, waxaan ku jiray dumar iyo carruur .

kooxda samafalka Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn ee MSF, ayaa sheegay in tiro ka mid ah muhaajiriinta ay u muuqdeen kuwo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dadka wax tahriibiya ee ku sugan dalka Liibiya.

Baarayaasha Talyaaniga ayaa eegaya xaaladda dadka tahriibayaasha ah,gaar ahaan dhibaatooyinkii ay la kulmeen,waxa sababay safarkooda iyo in ay u qalmaan dad la siin karo magangalyo-doon.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post