705 Views

Galmudug oo shaacisay jadwalka doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka

Galmudug oo shaacisay jadwalka doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 9, 2022

Guddiga maamulka doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada Seddex Kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Seddexda kursi oo ay soo saareen Guddiga ayaa kala ah: Hop#038, Hop#069 iyo Hop#095.

Kuraasta Guddiga ay shaaciyeen waxaa qeyb ka ah kursi ka mid ah kuraastaas oo tirsigiisu yahay Hop#069 oo uu hore ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, balse haatan waxaa ku tartamayo isaga oo markale u taagan iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala.

Kursiga Hop#069 ayaa u muuqdo mid wajahayo tartan adag, maadama labada musharax ay haatan ku wada sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashadiisa kursigaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post