939 Views

Soomaaliya & Suudaan oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Soomaaliya & Suudaan oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad  , March 1, , 2020 —Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Axad ah, booqasho sharafeed ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Dr. Abdalla Adam Hamdok.

 

Intii ay ku guda-jireen kulanka ayaa waxa ay uga wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya, kaasoo ka turjumaya daacadnimada rabitaanka iyo waxtarka dadaalka lagu horumarinayo iskaashiga wadajirka iyo muhiimadda ay leedahay isku duwidda.

 

 

 

Xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan waa mid lagu garto xushmad is-dhaafsi, is oggolaansho dhowr arrimood oo heer caalami ah iyo mid goboleed oo labada dalba muhiimad gaar ah u leh.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa dalka suudaan waxaa uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda arrimaha dibadda dalalka IGAD,kaas oo looga hadlay arrimo muuhim ah.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment