2250 Views

Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Galmudug oo go’aan ka qaatay khilaafka cusub ee Madaxda iyo Maamulka

Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Galmudug oo go’aan ka qaatay khilaafka cusub ee Madaxda iyo Maamulka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2018 – Warsaxaafadeed ay Maanta soo saareen xildhibaanada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug ayaa wax ay mowqif ka qaateen khilaafka Cusub ee xilligaan kasoo dhex cusboonaaday madaxda maamulka Galmudug.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxa ay sheegen in ay horay ula kulmeen Madaxda Galmudug sida Madaxweyne Xaaf,Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi,guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Beelaha tabashada ka qaba maamulkaas,iyaga oo dhaliilay qaabka loo marayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxa ay sheegeen in heshiiskii labada dhinac ay ku wada gaareen dalka Jabuuti an loo marin wadadii saxda aheyd siagar ah iskudarkii labada xildhibaan iyo habka awood qeybsiga beelaha dega deegaanada Maamulka Galmudug.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in la sameeyey dastuur cusub,isla markaana la bedelay kii hore kaas oo tixgelin gaar ah lagu siiyey mid ka mid ah dhinacyadii heshiiskaas wada,sidoo kalena uu ku jiraan qodobo khilafsan Dastuurka dalka.

 war Murtiyeed war Murtiyeed 2

war Murtiyeed 3

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment