1197 Views

Puntland & Jubbaland oo u yeertay Xubnihii Gudiyada Farsamo ee ka joogay Muqdisho

Puntland & Jubbaland oo u yeertay Xubnihii Gudiyada Farsamo ee ka joogay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 20 2021–Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay in aysan ka qeb-geli doonin shirkii uu dhawaan isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

Warar soo baxayay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in labada Madaxweyne ay shuruud ku xireen ka qeyb-galka shirka, taas oo ay ugu weyn tahay inay korjoogto ka noqdaan Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in go’aan Maanta kasoo baxay labada Madaxweyne lagu amray xubnaha wasiirada ah ee ka tirsanaa Guddigii ku shiray Baydhabo ay dib ugu laabtaan magaalooyinka Kismayo iyo garoowe.

Xubnaha Puntland ugu jiray Guddiga farsamada ayaa waxaa ay kala yihiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad & wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdillaahi Cali Xirsi (Timacade) halka Jubbaland ay ka socdeen Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland & Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland.

Wararka soo baxay ayaa sheegaya in labada wasiir ee ka socday maamulka Jbbaland ay Maanta dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland, kuwaas oo kala ah Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland & Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland.

Shuruudaha ay dalbadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ku saabsan inay ka qeyb galayaan shirka ayaa waxaa ay yihiin Saddex qodob, kuwaas oo kala ah.

1:  In ay doonayaan in kulanka lagu qabto Xerada Xalane .

2: In aysan kalsooni ku qabin tagida Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia). Cabsi ammaankooda ah aawgeed, go’aankaas oo sigar ah uga yimid dhinaca Madaxweynaha Jubbaland.

3: In damaanad-qaade 3aad lahelo, gaar ahaana saxiixa lagu daro Wakiilada caalamiga ah.

18-kii Bishaan ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed cabdullahi Farmaajo uu ku baaqay shirka wadatashiga doorashayooyinka uu qabsoomayo, waxaana uu noqonayaa shirkii labaad oo muddo bil gudahood ah uu ku baaqo balse aan qabsoomin.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post