933 Views

Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-08-2020-Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 12 ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay Idda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlaha badbaadinta.

Ciidamo ka tirsanaa booliska oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarunta xisbiga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post