786 Views

Xil. Mahad Salaad “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda ma qaadan go’aan doorasho lagu aadayo”.

Xil. Mahad Salaad “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda ma qaadan go’aan doorasho lagu aadayo”.
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 16 2020
—Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in heshiis kasta oo ay gaaraan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ee Muqdisho shirka uga socda  in aanu dhanka Madaxweyne Farmaajo ka fuli doonin sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kula taliyay Madaxda dowlad Goboleedyada in qodobada heshiiska in lagu daro muddo cayiman oo doorashada ku bilaabaneyso kuna dhamaaneyso.

“Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo kama fuli doono. Sababtoo ah Farmaajo ilaa hada ma qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo”ayuu yiri.

‘’Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ku bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Shirka uga socda Muqdisho Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada dalka ka dhaceyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaasha dowlad-goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmihii la dhaafay kulamo ku lahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo laha hadlayay arimaha doorashooyinka Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post