828 Views

Maxkamadda Boqortooyada ee dalka Urdun ayaa wax xaqiiqda ka fog ku tilmaantay eedeymaha loo jeediyay Boqor Abdullah

Maxkamadda Boqortooyada ee dalka Urdun ayaa wax xaqiiqda ka fog ku tilmaantay eedeymaha loo jeediyay Boqor Abdullah
____________________________________________________________________________

Isniin: October 4, 2021

Dokumentiyada qaabilsan maaliyadda ee lasoo dusiyay waxay muujinayaan qaabka qarsoodiga ah ee hantida uu uggu keydsaday dalka UK boqorka Urdun, taas oo ka badan 100 malyan oo doolar.

Waxaa la ogaaday shirkado shisheeye oo ku yaalla British Virgin Islands iyo meelo kale in loolla baxsado canshuurta, taasoo uu adeegsaday boqorka Cabdullaahi II bin Al-Xuseen, si uu iibsado 15 guri, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 1989.

Waxaana kamid ah hantidaas guryo ku yaalla deegaanka Malibu ee gobolka California, dalka Mareykanka oo ay ku baxday 50 Malyan oo lacagta giniga ah iyo guryo kale uu ka iibsaday London iyo deegaanka Ascot ee dalka UK.

Maxkamadda Boqortooyada ee dalka Jordan ayaa wax xaqiiqda ka fog ku tilmaantay eedeymaha loo jeediyay Boqor Abdullah ee ku saabsan in qasri lagu qiimeeyay in ka badan 100 milyan oo doollar. War ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in hantida aan loo bandhigin bulshada sababo ammaan dartood.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post