972 Views

Xildhibaano RW Rooble u gudbnaya cabashada Waalidiinta Carruurta ku maqan tahay

Xildhibaano RW Rooble u gudbnaya cabashada Waalidiinta Carruurta ku maqan tahay
____________________________________________________________________________

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa waxaa ay shaaciyeen in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u gudbin doonaan cabashada Waalidiinta Carruurtooda ay dowladda Soomaaliya tababarka Ciidan ugu dirtay dalka Ereteriya.
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaannadaas ayaa sheegay in cabashada Waalidinta ay dhowr jeer u gudbiyeen, Golaha Wasiirada & Taliyeyaasha Ciidamada, hadana ay qorsheeynayaan inay u gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in haatan ay qorheynayaan inay u gudbinayaan Ra’iisul Wasaare Rooble cabashada Waalidiinta iyo dhaliisha laga muujinayo Guddiga Ra’iisul Wasaaraha u Magacaabay cabashada Waalidiinta.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa taagna cabasho ay muujinayeen Waalidiinta Carruurtooda tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya, iyaga oo sheegay inay maqleen in laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post