837 Views

Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo hawada ka wada baxay iyo afhayeen u hadlay shirkada Facebook oo sheegay

Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo hawada ka wada baxay iyo afhayeen u hadlay shirkada Facebook oo sheegay
____________________________________________________________________________


isniin: October 4, 2021

 Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada ka wada maqan ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda.

Ciladdan ayaa billaabatay muddo hadda ku dhow laba saac kahor, welina waa ay socotaa, waxayna saameysay caalamka oo dhan

“Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka.

Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa ka hor-imanaya farriin dhaheysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno.”

Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabar ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse horey u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta.

Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay.

Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya” Facebook.

Xigasho Caasimadda.com

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post