4341 Views

Tababar loofuray shaqaalaha wasaarada Arimaha Gudaha

Tababar loofuray shaqaalaha wasaarada Arimaha Gudaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 05 October 2015 –Tababarkaan oo Sare loogu qaadayo Aqoonta Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka ayaa maata ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo socan doona mudda afar maalin ah.

Tababarka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda EISA ayaa waxa loo furay Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka  si sare loogu qaado aqoontooda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Cali Abti Doon Xalane ayaa  sheegay in Tababarkaani uu kamid yahay kuwo badan oo ay ugu diyaar garoobayaan ka qeyb qaadashaya Hiigsiga sannadka 2016 xilligaas oo la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan  doorashooyin.

Dhanka kale agasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo federaalka dowladda Soomaliya waxa uu kula dar-daarmay dhinacyada tababarka loo furay in ay  ka faa’iidfaystaan casharrada lagu bixinayo inta uu socdo tababarka.

Saraakiishii ka socotay Hay’adda tababarka bixineysa ayaa iyana sheegay in ay diyaar u yihiin Sare u qaadista aqoonta iyo tayada shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Soomaliya oo ay ugu horeyaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federalka Xukuumadda Soomaaliya.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment