2322 Views

Ammaanka Xarunta Aqalka Sare Oo Laga Deyriyey

Ammaanka Xarunta Aqalka Sare Oo Laga Deyriyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 5, 2018 – Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Amniga iyo taakuleynta dadka ay saameynta ku yeesheen Fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shir Guddoominayay Kullanka,waxaana mudada uu socday diirada lagu saaray diyaarinta agendaha kullanka Guud ee Golaha oo uu beri yeelanyo,kaasi oo Xildhibaanada Aqalka sare lagu horgeyn doono go’aanada maanta ka soo baxay.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir” ayaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kullanka maanta ee Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ay isugu yimaadeen.

“ Kullanka maanta ee Guddiga joogtada ah Golaha Aqalka sare waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah arrimaha Amniga,taakuleyntii Gobolka Hiiraan Masiibadii ka dhacday,waxaa sidoo kale looga hadlay kullanka xeer hoosaadka Golaha,waxaana rajeynaa agendayaashaasi in beri la horgeyn doono Xildhibanaada Golaha Aqalka sare,waana la isku afgartay qorshaha beri looga doodi doono kullanka guud ee Golaha Aqalka sare,” ayuu yiri Senator Nadiir.

Sidoo kale Senator-ka ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin Amniga Aqalka Sare oo aan aheyn sidii loo baahnaa,isla markaana marar badan ay ka hadleyn.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment