1935 Views

Dil Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha & Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Dil Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha & Faah Faahin Kasoo Baxeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Dabley hubeysan ayaa Gudaha Suuqa Weynee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dishay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Degmada howlgalwadaag ee Gobolkan Banaadir.

Dilka ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka qeybta lagu iibiyo Daawada ee Suuqa ,isla markaana loo geystay Nin lagu Magacaabi jiray Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal), oo ahaa Guddoomiyaha laanta Xaawa Taako ee degmada Howl-Wadaag,waxaana durbo goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa goob aan sidaan uga fogeyn ayaa goobta gaaray,iyadoo halkaasi ay ka wadaa baaritaano ku aadan sida ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dad ku suganaa Suuqa Baraakaha ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay,iyago halkaasi ka qaaday Meydka Guddoomiye lameedka oo lala  dilay Wiil dhalinyaro ah oo la socday,sida uu Dalsan u sheegay qof Goobjooge ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment