480 Views

Maamulka Galmudug oo soo bandhigay khasaaraha hantiyadeed ee dagaalkii Guriceel

Maamulka Galmudug oo soo bandhigay khasaaraha hantiyadeed ee dagaalkii Guriceel
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac oo ay wehliyaan qeyb ka mid ah xubnaha wasiirada ah ee ku jira Guddiga gurmadka dadka ay saameyntu kasoo gaadhey dagaalkii Guriceel  ka dhacay todobaadkii hore ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah isbitaalada Guriceel ee ay saameynta ku yeesheen madaafiicdii ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa si gaar ah u booqday isbitaalada Istarliin iyo Kulmiye oo ay saameyn xooggan kuyeesheen dagaalada, si gaar ahna uu gabi ahaanba gubtay Isbitaalka Kulmiye oo ay basbeeleen 21-qol iyo waxii qalab ah ee dhex yaaley.

Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay in waxyeelada gaartay goobahan Caafimaadka tahay mid baaxad leh kana balaaran wax ay ku filantahay wax ka qabashadooda wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo si gaar ah isugu howshay in la dayactiro qaybta raajada isbitaalka Istarliin oo madfac ku dhacay uu burburiyay dhismahaasi.

Isbitaalada Guriceel oo qaarkood saameyntani soo gaartay ayaa qaabilaya daryeelka Caafimaad ee kumananaanka qoys ee guryahooda ka barakacay kuwaasi wali la daalaa dhacaya saamaynta caafimaad ee kasoo gaartay dagaalka dhowrka maalmood qaatay ee ka socday Magaalada Guriceel.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post