624 Views

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ugandha uga Qeyb gali doono shir looga hadalayo Sudan iyo Itoobiya

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ugandha uga Qeyb gali doono shir looga hadalayo Sudan iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 10, 2021

 Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo warramayaa in maalmaha soo socda uu u bixi doono safar dalka dibaddiisa ah, kaas oo uu ku tegayo Uganda, sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Farmaajo uu magaalada Kampala uga qeyb-gali doono shirweyne looga hadlayo xaaladda Itoobiya iyo mida Sudan, kaas oo qabsoomaya 15-ka beshan ayenu ku jirno November ee 2021-ka.

Wasiirka ayaa shaca ka qaaday in shirkaas ay sidoo kale tegi doonaan dhammaan madaxda dalalka dhaca Bariga Afrika ee ku jira  Urur Goboleedka IGAD.

“15-ka November waxaa magaalada Kampala ka dhici doona shir ay isugu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qaybgeli galayo Madaxweynaheena, waxaa looga hadlayaa Inqilaabkii ka dhacay Suudaan & Xaaladda Itoobiya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

https://2906877da55d54743091415abb697a61.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in muhiimadda shirkaasi uu yahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha iyo qalaalasaha dhiiga uu ku daadanayo ee ka jira labadaasi dal.

Mudane Maxamed Cabdirasaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay ku baaqeyso in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Wadahadalka iyo wax isla meel dhigidda ayaa ka wanaagsan in dad aan wax galabsan ay ku dhintaan, in dhaqaalaha & Dalka uu ku burburo, sidaas darteed waxa aan soo jeedineynaa in la wada hadlo” ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

https://2906877da55d54743091415abb697a61.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Safarka Farmaajo ee Kampala ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya ku jirto xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho.

Si kastaba, madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa saaxib dhow la’ah ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Axmed oo haatan dagaal adag kula jira jabhadda TPLF.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post