369 Views

Boqolaal ruux oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Afghanistan

Boqolaal ruux oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Afghanistan
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 22, 2022

Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 6.1 ayaa ku dilay 920 qof dalka Afghanistan Arbacada maanta ah, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka masiibooyinka, iyadoo in ka badan 600 oo qof ay ku dhaawacmeen, waxaana la filayaa in khasaaraha uu sii kordho sida ay sheegayaan xogaha laga helayo tuulooyinka fogfog ee buuralayda ah.

Sawirro lagu baahiyay warbaahinta Afghanistan ayaa muujinayay burburka guryaha, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin waddoonka.

Dadaallada samata bixinta ayaa diyaarado Helicopters ah gaarsiiyay goobaha musiibadu ka dhacday si loo gaaro dadka dhaawaca ah si ay u helaan gagaar caafimaad iyo cunto, sida uu sheeegay Salahuddin Ayubi. oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

“Dhimashadu waxay u badan tahay inay sii kororto maadaama tuulooyinka qaarkood ay ku yaallaan meelo fogfog oo buuraleyda ah, waxayna qaadan doontaa waqti in la soo ururiyo faahfaahinta.” ayuu raaciyay Ayubi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post