1314 Views

Siyaasiyiin Si Kulul Uga Hadlay Ficilladda Gefka Ee Ay Ethiopia Ku Hayso Dalka Somalia

Siyaasiyiin Si Kulul Uga Hadlay Ficilladda Gefka Ee Ay Ethiopia Ku Hayso Dalka Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2019–Guddoomiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party), Taabid Cabdi Maxamed waxa uu si kulul u naqdiyey gefafka ay Dowladda Ethiopia ka galayso dadka iyo dalka Somalia, isla markaana uusan cuddur-daarkedda wax micno ah lahayn.

Qoraal uu Taabid Cabdi Maxamed soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay inay Ethiopia gef kale maanta samaynayso, isla markaana uu cuddur-daarkeeda yahay mid aan lahayn garowshiyo mug leh.

Siyaasiga  oo horey u soo noqday Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir iyo Duqii magaalladda Muqdisho  waxa uu tilmaamay in baraha internet-ka ee dowladuhu ay leeyihiin habab u gaar ah oo lagu tifaftiro waxyaabaha lagu qoro.

Waxa uu intaasi ku daray Wasaaradaha Arimaha Dibedda ee Caalamku si feejigan loo tifaftiro waxyaabaha  ay qoraaan, wuxuuna xusay waxa ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia mar kale kaga jawaabi doonto qaladaadka ka dhanka ah dalka Somalia.

Guddoomiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka waxa uu qoraalkiisa ku soo hadal-qabsaday maahmaahda Soomaalida ee “Xagallo geel ka weyn wax guntiga la geliyo” iyo Heestii Soomaali Soomaali baa leh ee uu miraheedu ka mid ahaa:

“Adeey taladii ku seegtee, sidaad moodeyso maahee, war hooy Soomaaliya Soomaali baa leh.

AKHRISO

Sareedo haddeey ku waartiyo, hadduu silic iyo dhib gaaro, xumaanteed iyo samaanteed, Soomaaliya, Soomaali baa leh”.

 

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee DFS, Yuusuf Garaad Cumar, ahna Rug Caddaa Sxaafadeed waxa uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay qormo uu ku xusay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia mar kale u geftay Somalia.

 

Waxa uu xusay inay Ethiopia dalkeenna u qeybisay Saddex, isla markaana ay dalalka ay ku leedahay Wakiiladda  Diplomaasiyadeed ku dartay Puntland iyo Somaliland.

 

Qormadda Yuusuf Garaad waxa kale oo uu ku muujiyey in Lifaaqa dalalka ay Ethiopia Qunsulliyadaha Guud ku leedahay waxaa ku qoran magaca dalka, balse,  Somalia waxay matashaa Muqdisho oo keliya, halka Taxa dalalka waxaa ku jira Puntland iyo Somaliland.

 

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee DFS, Yuusuf Garaad Cumar waxa uu xusay inay Dowladda Ethiopia gefkii labaad isbuucan ka galeen Somalia, iyadoo Gefkii barta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia markii ay daabacday Soomaaliya, oo marka laga reebo Somaliland lagu daray Ethiopia, ayaa dad is yiri khafiifiya.

 

Qoraalka uu Yuusuf Garaad soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku muujiyey in DFS waajib ku tahay in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda iyo in Dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa inay gudato waajibkeeda dastuuriga ah oo ah inay difaacdo midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment