906 Views

Boris Johnson oo ka carooday Wareysiga Princess Diana BBC la yeelatay 1995

Boris Johnson oo ka carooday Wareysiga Princess Diana BBC la yeelatay 1995
____________________________________________________________________________

May 22 2021

Dowladda ayaa siin doonta BBC-da fursad ay is-beddel ku sameyso ka dib warbixinta ku saabsan wareysiga Diana, sida ay ogaatay BBC Newsnight.

BBC-da waxaa saaran cadaadis ka dib baadhitanka arrintan, oo lagu ogaaday in Martin Bashir uu adeegsaday khiyaano si uu u helo waraysigii caanka ahaa 1995.

Boris Johnson wuxuu sheegay in haayaddu ay tahay inay hubiso inaysan wax sidan oo kale ah aysan dhicin mar kale – halka golaha wasiirraduna ay soo jeediyeen in maamulkeedu u baahan yahay dib-u-habeyn.

BBC-da ayaa ku adkeysaneysa inay isbedello aasaasi ah ku sameysay maamulka tan iyo 1990-yadii.

Tan iyo markii la baahiyey arrinkan, dowladda waxaa ka go’an inay isbeddel ka aragto BBC-da gaar ahaan si loo hubiyo inaysan dib dambe u dhicin arrintani.

Sida laga soo xigtay Newsnight, wasiirradu waxay daneynayaan soo-jeedin ka timid guddoomiyihii hore ee BBC-da Lord Grade oo ahayd in la soo bandhigo guddi cusub oo madax-bannaan oo tifaftiran oo warbixin ka siiya maamulka hadda jira.

Wareysiga Princess Diana uu la yeeshay Bashiir ee barnaamijka Panorama wuxuu ahaa markii ugu horreysay ee qof boqortooyadi ahi uu si badheedh ah ugu hadlo nolosha qoyska boqortooyada

waraysigaa dhexdiisa, Amiiraddu waxay sheegtay in guurkeedii Amiir Charles aysan ku faraxsanayn, waxayna waagaa tidhi weedhi caanka noqotay ee ahayd: “Saddexd ayaanu ku ahayn guurkan.”

Baadhitaanka oo la daabacay khamiistii waxaa BBC isu xilsaartay sanadkii hore, ka dib markii Earl Spencer – Diana walaalkeed – uu u soo bandhigay dadweynaha walaac uu ka qabo xeeladaha loo adeegsaday wareysigaas.

Jimcihii, Mr Johnson wuxuu sheegay inuu rajeynayo in BBC ay qaadi doonto “tilaabo kasta oo macquul ah oo ay ku hubineyso in wax sidan oo kale ah aysan waligood dib u dhicin”.

Dhanka kale Ofcom – hay’adda u dooda arrimaha warbaahinta – waxay sheegtay inay BBC kala hadlayso waxa looga baahan yahay ee tallaabo dheeri ah noqonaya.

Baaritaanka gudaha ee ay BBC-du sanadkii 1996 ku sameysay cabashooyinkii ku saabsanaa wixii dhacay ayaa ahaa “mid aan waxtar lahayn”, sida lagu sheegay baaritaanka.

Amiir William aya sheegay: “wuxuu qeyb weyn ka qaatay in xiriirka waaliddiinteyda uu sii xumaado,” isagoo intaas ku daray “wuxuu kaddib dhaawacay dad badan oo aan tiro lahayn”.

“Balse waxa murugada ugu badan igu beeray, waa haddii ay BBC-du si fiican u baari lahayd cabashooyinkii sanadkii 1995, hooyadey way ogaan lahayd in la khiyaamay,” ayuu yiri.

Lord Dyson ayaa ogaaday in Bashir uu Earl Spencer ku khiyaanay inuu baro walaashii Diana isagoo tusiyay waraaqaha bankiga oo been abuur ah kuwaas oo sheegaya in shakhsiyaad lacag lagu siiyay inay ilaalo ka hayaan amiiradda.

Amiir William ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in habka khiyaanada leh ee wareysiga lagu helay “uu saameyn ku yeeshay waxa ay hooyadey tiri” iyadoo u jawaabeysa Bashir.

Wuxuu sheegay in barnaamijka Panorama “uusan habbooneyn” isla markaana aysan ahayn in mar dambe la sii daayo.

Bashir ayaa sheegay in “arin nacasnimo ah” ay ahayd waxa uu sameeyay isla markaana uu ka shallaynayo, balse wuxuu sheegay inaysan wax saameyn ah ku lahayn go’aanka ay Diana ku aqbashay in la wareysto.

BBC-da ayaa sanadkii la soo dhaafay dalbatay baaritaanka madaxa bannaan, kaddib markii Earl Spencer uu soo jeediyay eedeymo ku saabsan qaabka loo helay wareysiga.

Wareysigii Bashir uu la yeeshay Amiirad Diana ee lagu soo qaatay barnamaijkii gaarka ahaa ee Panorama ayaa wax weyn u ahaa BBC. Wareysiga waxay amiirada ku tiri: “Saddex qof ayaynu ku nahay guurka,” – iyadoo ula jeedda xiriirkii seygeeda kala dhaxeeyay Camilla Parker Bowles.

Waa markii ugu horreysay ee qof boqortooyada ka tirsan uu si furfuran uga hadlo noolosha Qoyska Boqortooyada – dadka daawaday wareysiga ayaa ka hadlay guurkeeda aan farxadda ku dheehneyn ee Amiir Charles, arrimahooda, iyo xaaladdeedii caafimaad ee maskaxda.

Bashir, oo 58 sano jir ah, waa mid ka mid ah weriyeyaasha ugu caansan UK, wuxuuna sidoo kale aad ugu soo caan baxay wareysigii uu sanadkii 2003 la yeeshay heesaagii Michael Jackson.

Bon

Toddobaadkii la soo dhaafay ayuu BBC-da isaga tegay, isagoo u aaneeyay sababo dhanka caafimaadka ah. Wuxuu ahaa wakiil-wareedka arrimaha diinta ee BBC-da iyo tifaftire tan iyo sanakdii 2016.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post