900 Views

Hir-shabeelle oo ka hadashay go,aanka guddiga FEIT ee Kursiga HOP#086

Hir-shabeelle oo ka hadashay go,aanka guddiga FEIT ee Kursiga HOP#086
____________________________________________________________________________

Sabti: April 2, 2022

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle qoraal ay soo saartay ayey ku sheegtay in ay u gudbisay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ( FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah.

Qoraal kasoo baxay Hirshabeelle ayaa lagu yiri “Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa  kuraastii Golaha shacabka  uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelle.”

Sidoo kale, waxey sheegtay in Kursiga HOP086 uu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay.

Hirshabeelle ayaa xustay in Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan  liiska rasmiga Xoghayeyaasha  Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka.

“Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan  liiska rasmiga Xoghayeyaasha  Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Hirshabeelle

Ugu dambeyn Hirshabeelle ayaa ugu digtay gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii  Golaha wadatashiga qaran, si bee tiri looga fogaadaa  wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post