723 Views

Jabuuti oo taageero u muujisay go’aanka militari ee Abiy Ahmed.

Jabuuti oo taageero u muujisay go’aanka militari ee Abiy Ahmed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November17, 2020 –Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka hadashay dagaalka dhowr & tobanka cishe ka socda ismaamulka TIgray ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Xisbiga TPLF, waxaana ka dhashay khasaare Dhimasho, dhaawac, Barakac, halka ay go’doomeen qoysas badan.

Jabuuti ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali ku tilmaamtay in uu yahay hoggaamiye isku heyn kara dhulka Itoobiya, sidaas awgeed uu u baahan yahay in lagu garabsiiyo midnimada & madax bannaanida dhuleed.

Dowladda Jabuuti ayaa ku baaqday in wada hadal aan laga maarmin, isla markaana lagu badalo dagaalka sababay khasaara naf & mid maaliyadeed ee ka socda ismaamulka Tigray ee dalka Itoobiya.

 “Jabuuti waxa ay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Badeecadaha la geeyo Itoobiya inteeda badan waxaa laga dejiyaa Jabuuti, taasi waxa ay xoojisay xiriirka ka dhaxeeya Xukuumadaha Jabuuti & Addis Ababa sida ay ku doodayaan dadka falanqeeya Siyaasadda Geeska Afrika.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post