858 Views

Wasiirka Warfaafinta oo hortegay Xildhibaannada Golaha Shacabka

Wasiirka Warfaafinta oo hortegay Xildhibaannada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 15 , 2019 | QOL |   –Waxaa goordhow furmay kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,kaas oo uu hortegay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

 

Kulanka waxaa shir guddoominaayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka mudane Abdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey,waxaana xildhibaannada ay haatan su’aalo weeydiinayaan Wasiir Maareeye.

 

 

 

11 Xildhibaan ayaa dhawaan dalbaday in uu Wasiirka horyimaado wax looga weeydiiyo arrimo la xiriira sharciyada Warbaahinta Qaranka.

 

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa ka doodaya soo afjarka Dooda Akhrinta 2-Aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment