759 Views

Xildhibaannada Aqalka Sare oo laga saaray Kulanka Baarlamaanka & mursal oo ka hadlay

Xildhibaannada Aqalka Sare oo laga saaray Kulanka Baarlamaanka & mursal oo ka hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 06, 2021–Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow waxaa uu kulan uga furmay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalda Muqdisho, iyada oo Xildhibaannada Aqalka sare ee tegay Xarunta laga saaray kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulanka uusan aheyn mid wadajir ah, balse uu yahay mid uu Madaxweyne Farmaajo kula hadlayo golaha Shacabka.

Gudoomiye Mursal oo oo fah faahin ka bixinayay kulanka ayaa sheegay in Madaxwyene Farmaajo uusan ka hadli doonin arrimo la xiriira muddo kororsi balse uu ka hadli doono xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan kulan wadajir ah ka codsaday xildhibaannada labada Aqal, balse layaab ay noqotay markii Gudodomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in Xildhibannada Golaha Shacabka kaliya ay kulanka leeyihiin.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post